GABAY CUSUB OO KU SOCDA ( DULCAD IYO DAYAYSANE ) WAA MIDHIHII ABWAAN ( HAYBE

  Tuesday January 22, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
GABAY CUSUB OO KU SOCDA ( DULCAD IYO DAYAYSANE ) WAA MIDHIHII ABWAAN ( HAYBE
GABAY CUSUB OO KU SOCDA ( DULCAD IYO DAYAYSANE ) WAA MIDHIHII ABWAAN ( HAYBE )

















Axmed daacad weeyoo
Madaxweyne dooriyo
Dal xoreeye weeyoon
Dun xariira weeyaan
Nin ducaysan weeyee
Xashka soo dawaafee
Dalkan aan ku noolahay
Nin dumaalka heli kara
Lasoo dooranmaayoo
Doorarkii waxqabadkana
Waakii deynki bixiyee
Ciidamada diyaarshee
Shaqaalaha daryeelee
Dugsiyada waxbarashada
Danyartiyo agoomaha
Udaneeyey weeyee
Degdegaa wax qabadka ah
Nin sidaa diyaar u ah
Ama door ka geli kara
Dunidaba ma joogee
Hadar daaran seegine
Doqoniinayahay jaan
Is daad raaci weligaa
# # # # # # #
Xirsi iyo dadweynaha
Dacwad looma haystee
Kiinan dira diraytiyo
Dabka ooga waxan iri
Damdamtiyo odhaaha
Dira dira dadkays jecel
Hadba daaqad eegaha
Dakaniyo xanuun wade
Dulcad iyop dhigiisiyo
Kanay Dooli l;eeyiin
Idinkaa denbiile ah
# # # # # #
Deelkalena wuxu yahay
Xirsi inuu duleeyahay
Dad hogaamiyena yahay
Daacad iyo wax qabad yahay
Dar allee haldoor yahay
Dani kuma socdaan yahay
Dabin kuma dhacaan yahay
Daayimey salaad yahay
Dooroonayaashiyo
Dunidaa l;a weydiin
# # # # # #
Xirsi dirac inuu yahay
Danyar quudiyaha yahay
Dadkuna inuu u siman yahay
Daabad iyo hayin u yahay
Marna yahay dugsiiyiyo
Doqonkiyo waraabuhu
Deel qaaf ku odhan karin
Adigaa dabaylaha
Daalaa dhacaayoo
Iska daad rogmanayee
Rag diyaara baa jira
Dunbukh iyo warmana sida
# # # # # # #
Duluc kalena waxay tahay
Adna daba ka naaxow
Degey oo mid kale idhi
Inta faraska doolaal
Xakamuhu diyaar yahay
Dusha fuuli maayo e
Adiguna danaaniga
Darka ceelka yaaliyo
Docwareenka sheekada
Dinaahyayska ila dhaaf
featured